Somaliska/Soomaali

Degmada karlstad waxay u sameysa dadka degen Karlstad maalmo fiican Degmada karlstad waxay u sameysa dadka degen Karlstad maalmo fiican

Degmada karlstad waxay hayaan shaqooyin kuligeen noo muhiim ah.Waxaa la dhihi karaa degmada waxay u sameeyaan maalmo fiican dadka karlstad degen.

Waa degmada kuwa ku qabanaya in kuligeen aan ka helno biyo tubooyinka,basaskii iney socdaan iyo inaan leenahay jidad fiican ee bishkaleetiyaasha ay ku socdaan iyo in dugsiyadii ay meesha ku yaalaan oo ay ardaydana dareemaan kalsooni iyo iney horumar sameeyaan.Dadka gaboobay iyo dadka jir/maskax ahaan wax u dhiman yihiin iney helaan nolol sare oo qiimaheedu fiican yihiin iyo kalsooni,degan xiisogelin leh.

Degmada waxay dhisaan iyo qorsheeyaan magaalada iyo iney u fiiriyaan iney magaalada noqoto mid dadkoo dhan magaalo u ah iyo magaalo waxyabaha ka dhaca ay noqdaan waxyaabo farxad leh-marka laga halayo tusaale musig,carwooyinka iyo dhaqanka.

Degmada karlstad ayaa ka mas`uul ah adeega bulshada qaybaha ugu weyn ee ka jira degmada.Hawlaha qaarkood waa ku khasab iney degmooyinka qabtaan,kuwa kalana khasab maaha  iney u qabtaan bulshada.

Degmada waxaa xukuma siyaasiinta kuwaasoo ay doortaan shicibka afartii sano mar.Siyaasiinta degmada waxaa loo yaqaanaa  kuwii la aaminey oo la doortay.

Guddiga sare degmada iyo Maamulka hoose degmada              

Kuwa hogaamiya siyaasada degmada karkstad waxay ka kooban yihiin hogaamiyayaasha degmada iyo guddiga degmada.

Hogaamiyayaasha degmada waxay go`aamiyaan arimaha guud ahaan iyo iyagoo soo doorta guddiga iyo xubnaha,kuwaasoo qabta shaqo iadaba joo ah.Maamulka hoose ee degmada waxay mas`uul ka yihiin iney fuliyaan go`aanadii ay gaareen hogaamiyayaasha degmada.

Xubnaha waxay ka kooban yihiin kuwa la soo doortay                

Degmada karlstad waxay leeyihiin 13 xubnood oo siyaasiin ah marka laga saaro guddiga degmada.Xubnahaasi waxay ka kooban yihiin kuwa la soo doortay taasoo ay soo sharaxaan hogaamiyayaasha degmada.Xubin walba wuxuu leeyahay qayb gooni oo uu mas`uul ka yahay.

Xubnahaasi hawshooda ugu muhiimsan waa in ay hirgeliyaan arimihii go`aanada laga gaaray,taasoo ay go`aankaasi gaareen hogaamiyayaasha degmada,qaybaha iyaga mas`uulka ay ka yihiin.

Maamulada waxay ka kooban yihiin kuwa la shaqaaleeyey            

Xubnaha  ayaa ka mas`uul ah qaybaha maamulka,waxaa jira sideed qaybood oo maamulka ah,iyo hogaamiyada xafiiska degmada kuwaaso hoos yimaado lagana maamulo guddiga degmada.

Maamuladaas oo ka kooban shaqaalaha.Waxay fuliyaan go`aamada ay soo gaaraan kuwa la soo doortay.Maamulada waa sida xubnaha waxaa iyagana loo kala qaybiyey qaybo kala duwan oo ay ka hawl galaan.

Har du synpunkter på den här sidan, tar vi tacksamt emot dem. Fyll i formuläret nedan och dina synpunkter skickas till ansvarig för sidan. Om du anger din e-postadress kan vi ge återkoppling. Tack för att du hjälper oss att skapa en bättre webbplats.

Uppdaterad den